Since 1960 – gudoomiyihii degamada borama ee xisbiga kulmiye oo is casilay

Gudoomiyihii Degamada Borama Ee Xisbiga KULMIYE oo is Casilay

Thursday, 17 June 2010

Borama(SSample Imageomalilandnation) Gudoomiyihii degmada Borama ee xisbiga KULMIYE uqaabilsanaa Maxamed Maydhane ibraahim, oo ku magacdheeraa waydka ayaa si rasmiya iskaga casilay jagadii uu ka hayay degmada Borama ee xisbiga kulmiye.

 

Hadaba mar aan khadka telefoonka ku waraysanay sababta uu isku casilay ayaa waxaa uu yidhi “waxa jira arimo badan oo aniga ii gaar ah waxaana gartay inaan iska casilo jagadan aan u hayay Xisbiga kana baxo Kulmiye waxaanan maanta laga bilaabo ku biiray xisbiga talada Haya  ee UDUB  hormoodka  u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale kaahin”

 

 

waxa kale oo uu sheegay in maantaba ay wada kulmeen Madaxwaynaha ayna ka wada hadleen in beelwaynta uu ka soo jeedaa ee degta degmada Borama ay si toos ah u taageersan yihiin Madaxweyne Daahir iyo xisbigiisa.

 

 Isku soo wada duuduuboo tani waxa ay imanaysaa xili lagu jiro saacadihii ugu danbeeyay ee ololaha doorashada toban cisho wax ka yarina ay ka hadhsan tahay wakhtiga loo qabtay Doorashdu inay dhacdo ee 26 June.

 

 

 

Waxaana la odhan karaa cid walba oo ka dhex wayda xisbiga ay ku jirto danaha ay ku qabto waxa uu isla markaaba u hayaamayaa meesha uu is yidhaahdo dantaada ayaa ku jirta.

 

Xigasho Boramanews

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *